RASMI: Xiddigii AS Roma ee Stephan El Shaarawy oo ku biiray koox cusub

(Rome) 08 Luulyo 2019. Xiddiga kooxda Roma ee Stephan El Shaarawy ayaa la shaaciyey inuu ku biiray naadiga Shanghai Shenhua ee ka dheesha horyaalka Shiinaha (Chinese Super League).

26-sano jirkaan ayaa Roma ku sugnaa tan iyo sanadkii 2016-kii, waxaana wararku ay sheegayaan in kooxdu ay xiddigan xulka qaranka Talyaaniga isaga iibiyeen 18 milyan oo euro.

Qoraal kooban oo ay kooxda Shiinuhu soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa u dhignaa: “Rasmi: Shanghai Greenland Shenhua waxa ay ku dhawaaqaysaa saxiixa garabka Talyaaniga iyo Masar ee Stephan El Shaarawy, kaasoo ka yimid AS Roma.”

Shenhua ayaa fadhisa kaalinta 14-aad ee kala sarreynta horyaalka Chinese Super League, waxaana uu El Shaarawy kooxdan kula biiray Weeraryahankii hore ee Naadiga Watford, Odion Ighalo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close