RASMI: Kooxda Barcelona oo soo bandhigtay maaliyadda ay ku ciyaari doonto marka ay martida tahay xilli ciyaareedka cusub ee 2019/20… + SAWIRRO

(Barcelona) 08 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa soo bandhigtay Maaliyadda ay ku ciyaari doono marka ay martida tahay xilli ciyaareedka cusub ee 2019-20.

Maaliyaddaan oo ay Barca ku dheeli doonto marka ay ku ciyaarayso garoomada kooxaha kale xilli ciyaareedka cusub ayaa midabkeedu yahay Jaalle ama hurdi oo dhexda ku leh midabbada ay kooxdu caanka ku tahay ee buluuga iyo guduudka.

Waxaa maaliyaddaan shafka kaga qoran magaca shirkadda Rakuten oo ay xayeysiiso, astaanta kooxda iyo midda shirkadda Nike oo ah tan farsameysay maaliyaddan.

Coutinho, Melo iyo xiddigo kale oo kooxda Barcelona ka tiran ayaa ka qeyb qaatay soo bandhigista maaliyaddaan cusub.

Waxa ay kooxda Catalan maaliyadaan ugu dabaal-dagaysaa 40 sano guuradii ka soo wareegatay akadeemigeeda caanka ah ee La Masia.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close