Mino Raiola oo sheegay in kooxda Juventus ay heshiis afka ah la gaartay Matthijs de Ligt

(Italy) 08 Luulyo 2019. Wakiilka Matthijs de Ligt ee Mino Raiola ayaa xaqiijiyay in xiddiga uu dalaalka ka yahay uu heshiis afka ah la gaaray kooxda reer Talyaani ee Juventus.

19 jirkan ayaa noqday mid ay si weyn u hadal hayaan saxaafada yurub bilooyinkii lasoo dhaafay, maadaama adeegiisa ay ku  wada dagaalamayaan kooxaha Barcelona, Paris Saint-Germain iyo Juventus.

Si kastaba ha ahaatee, maalmo yar gudahood, ayaa waxaa soo baxeen warar sheegaya in ciyaaryahanka uu heshiis afka ah la gaaray kooxda Juventus, islamarkaana uu saxiixi doono qandaraas 5 sano ku sii heyn doona kooxda ka dhisan magaalada Turino, isagoo la sheegay in mushaar ahaan uu u qaadan doono 9 milyan oo euros iyo lacago kale ee dhiirigelin ah.

Image result for mino raiola and Matthijs de Ligt

Hase ahaatee, waxaa jira warar kale ee sheegaya inay jiraan waxyaabo caqabad ku ah heshiiskan, taasoo ah in kooxda Ajax ay dooneyso qiimo dhan 75 milyan euro si ay u iibiso Matthijs de Ligt.

Hadaba Mino Raiola ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Telegraph” ee dalka Holand wuxuu ku sheegay:

“Matthijs de Ligt wuxuu heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda Juventus, hada wixii ka dambeeya Ajax waxaa looga fadhiya sida ay ula dhaqmi lahayd arrintan” ayuu yiri Mino Raiola.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close