Ander Herrera oo ka hadlay imaatinkiisa PSG iyo sababta uu kaga soo dhaqaaqay kooxda Man United

(Paris) 08 Luulyo 2019. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Ander Herrera ayaa ka hadlay sheekada la xiriirta imaatinkiisa kooxda Paris St Germain, iyo sababihii uu kaga soo dhaqaaqay naadigiisii hore ee Manchester United, kaddib wareysi uu ku bixiyay wargeyska Daily Mail.

Ander Herrera ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Paris St Germain, kaddib markii uu soo idlaaday qandaraaskiisa Manchester United, isla markaana wax heshiis korhin ah uusan u sameynin Red Devils.

Xiddiga reer Spain iyo kooxda Paris St Germain ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Mar walba waa wax aad u adag marka aad ka tageyso Manchester United, waa kooxda ugu weyn ee dalka England”.

“Laakiin aniga ahaan waxa ugu fiicnaa ayaa ah inaan ka tagay kooxda ugu fiican England, si aan ugu biiro kooxda ugu weyn horyaalka France, Paris St Germain waa koox weyn”.

Intaas kaddib Ander Herrera ayaa ka hadlay sababtii uu kaga dhaqaaqay kooxda Manchester United wuxuuna yiri:

“Waxaan door biday inaan doorto mustaqbalkeyga waqtigan, waxaan doortay dalabka PSG, sababtoo ah Manchester United aad bay u soo daahday”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close