Xulka Madagascar oo iska xaadiriyay siddeed dhamaadka koobka qarammada Afrika, kaddib markii ay rigoorayaal ku garaaceen DR Congo … + SAWIRRO

(Qahira) 07 Luulyo 2019. Xulka Madagascar ayaa u soo baxay wareegga siddeed dhammaadka koobka qarammada qaaradda Afrika kaddib markii ay rigoorayaal 4-2 ah ay kaga badiyeen dhigooda DR Congo.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 9-aad xulka qaranka Madagascar ayaa hogaanka u qabtay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay ciyaaryahanka Ibrahim Amada, iyadoo uu caawinta goolkan lahaa Lalaina Nomenjanahary.

Laakiin daqiiqadii 21-aad wiilasha xulka qaranka DR Congo ayaa waxay heleen goolka barabaraha waxaana ciyaarta 1-1 ka dhigay Cedric Bakambu, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Glody Ngonda

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta labada xul qaran ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado cajiib ah si ay u dhaliyaan goolal.

Daqiiqadii 77-aad xulka qaranka Madagascar ayaa markale hogaanka u qabtay ciyaarta, waxaana dheesha 2-1 ka dhigay Faneva Andriatsima, kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Romain Metanire.

Daqiiqadii 90-aad xulka qaranka ayaa helay goolka barbaraha waxaana ciyaarta 2-2 ka dhigay Chancel Mbemba, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Meschack Elia.

90-ka daqiiqo ee ciyaarta ayaa waxay ciyaarta ku soo idlaatay barbaro 2-2 ah, waxaana lagu daray waqti dheeri oo 30 daqiiqo ah.

Ugu dambeyntii Xulka Madagascar ayaa iska xaadiriyay wareega siddeed dhamaadka koobka qarammada qaaradda Afrika kaddib markii ay rigoorayaal 4-2 ah ay kaga adkaadeen dhigooda DR Congo.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close