Xulka Algeria oo iska xaadiriyay siddeed dhammaadka koobka qarammada Afrika, kaddib markii ay xasuuqeen Guinea … + SAWIRRO

(Qahira) 07 Luulyo 2019. Xulka Algeria ayaa iska xaadiriyey wareegga siddeed dhammaadka koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, kaddib markii ay 3-0 ku xasuuqeen dhiggooda Guinea.

Wiilasha Algeria ayaa goolka koowaad la yimid 24’daqiiqo qeybtii hore ee ciyaarta waxaana u saxiixay Mohamed Youcef Belaili, sidaas ayaana lagu kala nastay 1-0 lagu horkacayey xulka Guinea.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta xiddigaha xulka Algeria ayaa iska sii watay bandhiggooda wacan, waxaana labo gool oo kale u kala dhaliyey 57’daqiiqo Riyad Mahrez iyo 82’daqiiqo Adam Ounas, sidaas ayaana looga adkaaday 3-0 xulka Guinea.

Xulka Algeria ayaana ku biiray xulalka iska xaadiriyey wareegga siddeed dhammaadka koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, halka Guinea ay tartanka macsalaameeyeen.

SAWIRRO:

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close