SAWIRRO: Kooxda Man United oo u duushay dalka Australia & Xiddigaha safarka ka qeyb galay

(Yurub) 07 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester United ee dalka Ingiriiska ayaa u duushay Australia, halkaasoo ay ka bilaabayso kulamada isdiyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee pre-season.

Paul Pogba oo isbuucii hore ku sugnaa magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaasoo uu xayaysiin u sameynayay shirkada Adidas, iyadoo ay jirtay baqdin ay madaxda kooxd Man United ka qabtay inuu seego socdaalkooda Australia ayaa safarka qeyb ka ahaa.

Weeraryahanka xulka qaranka Belgium ee Romelu Lukaku, kaasoo la la xiriirinayo inuu u dhaqaaqi doono kooxda Inter Milan ayaa sidoo kale xiddgaha Man United ku wehliyey safarkooda isdiyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Sidoo kale saxiixyada cusub ee kooxdaMan United ee Daniel James iyo Aaron Wan-Bissaka ayaa iyagana ka mid ahaa liiska ciyaartoyda maanta saftay.

Kooxda Manchester United waxa ay dalka Australia ka bilaabaysaa socdaal qaadanaya 18 maalmood oo ay ku kala bixinayso dalalka Austarlia, Singapore iyo Shiinaha, kaasoo ay isugu diyaarinayaan xilli ciyaareedka soo socda.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liis xiddigaha Man United ee u saftay dalka Australia:-

Goolhayeyaasha: De Gea, Grant, J.Pereira, Sergio Romero

Daafacyada: Bailly, Dalot, Jones, Lindelof, Marcos Rojo, Shaw, Smalling, Tuanzebe, Wan-Bissaka, Ashley Young.

Khad Dhexe: Andreas, Chong, Garner, Gomes, James, Lingard, Matic, McTominay, Pogba, Juan Mata.

Weerarka: Romelu Lukaku, Greenwood, Anthony Martial, Marcus Rashford.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close