Muxuu ka yiri Messi kaddib kaarkii casaanka ahaa uu qaatay inta lagu gudi jiray kulankii xalay ee Chile?

(Brazil) 07 Luulyo 2019. Kabtanka xulka qaranka Argantina ee Lionel Messi ayaa si care leh kaga hadlay kaarkii casaanka ama roosaha uu qaatay inta lagu gudi jiray kulankii xalay ee Chile.

Xulka qaranka Argentina ayaa xalay ku guuleystay kulankii kaalinta saddexaad ee Copa America 2019, kaddib markii ay 2-1 kaga adkaadeen Chile, xilli Lionel Messi uu guddoomay kaarka guduudan.

Hadaba shabakada (TyC Sports) ayaa soo xigatay wareysi uu Lionel Messi bixiyay ciyaarta kaddib waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxay arinta ku dhamaan laheyd kaarka digniinta ama Jaalaha ah aniga iyo ciyaaryahanka kale, laakiin waxay noqon kartaa inay sabab u tahay hadaladii aan sheegay kaddib kulankii lasoo dhaafay ee Sabtidii, balse waxaa muhiim ah in xulka uu si fiican kaga dhameystay tartankan”.

“Had iyo jeer waxaan sheegaa xaqiiqda, taasoo iga dhigeysa inaan noqdo mid degen oo raali ah, hadii wixii aan sheegay ay saameyn leedahay, aniga waxba igama galin, had iyo jeer waxaan si daacad ah u sheegee waxa aan ku hadlayo”.

“Waxaan seegay guusha kulankii kaalinta saddexaad ee Copa America 2019, sababtoo ah waxa ka dhacay tarankan waxay ahaayeen ixtiraam daro, mana doonayo inaan noqdo qeyb ka mid ah”.

“Waxaan si tartiib ah uga tagi doonaa tartanka, anigoo madaxayga aan kor u qaadayo, kuna faanayo kooxdan ee soo bandhigtay wax walba, waxaan rajeenayaa inay heli doonaan ixtiraam, waxay heystaan wax badan si ay u soo bandhigaan, maanta waxaan dhalinay goolal, taas ayaana kooxda ka dhigtay inay u ciyaaraan si ka duwan sidii hore”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close