Antoine Griezmann oo go’aan cad uu gaaray kaga yaabsaday kooxdiisa Atlético Madrid

(Madrid) 07 Luulyo 2019. Wargeyska “El Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa sheegay in xiddiga reer France ee Antoine Griezmann uu jeexay istiraatiijiyad cusub uu doonayo inuu kaga fogaado inuu qeyb ka noqdo tababarka ay Atletico Madrid ugu diyaar garoobeyso xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020, kaddib markii uu horaantii bishaan si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda. .

Antoine Griezmann ayaa si weyn kaga carooday maamulka kooxda Atletico Madrid kaddib markii ay war rasmi ah ay soo saareen ku sheegeen in Barcelona iyo laacibka Antoine Griezmann ay si qarsoodi ah u wada hadleen kahor kulankii Juventus ee Champions League, waxayna ku war galiyeen inuu qeyb ka noqdo tababarka kooxda ay ugu diyaar garoobeyso xili ciyaareedka cusub.

Griezmann ayaa sidoo kale u arka bahdalaad in Lambarka 7-aad uu isaga u xirnaa kooxda la siiyo ciyaaryahanka cusub ee dhawaan yimid Atletico Madrid João Félix, kahor inta uusan si rasmi ah u bixin.

Hadaba sida ay wararku sheegayaan Antoine Griezmann ayaa xiriir la sameeyay qareenada Atletico Madrid wuxuuna u sheegay in isaga uu si shaqsi ah u bixin doono lacagaha lagu kansalayo heshiiska uu ku joogo kooxda ka dhisan caasimada Madrid.

Waa talaabo kahor tagi doonta in xiddiga heerka caalami ee reer France uu bixiyo lacago kasta ee maqdhow ah ee ku aadan ka maqnaanshiyihiisa tababarka kooxda, iyadoo sharciga uu u ogolaanayo inuu helo maalmo dhowr ah si uu u hubiyo qiimaha lagu kansalayo heshiiskiisa kooxda si uu u iibsado xoriyadiisa, isla markaana uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda uu doonayo.

Kaddib codsiga rasmiga ah ee Antoine Griezmann ayaa fursad u heysan doonta bisha Luulyo oo dhan, si ay u bixiso qiimaha lagu kansalayo heshiiska Antoine Griezmann iyadoo aan wax cabsi ah laga qabi doonin inuu ganaax kaga yimaado Atletico Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close