Ajax oo shuruud hor leh ku xirtay Juventus qorshaheeda la saxiixashada De Ligt.

(Turin) 07 Luulyo 2019. Waxaa weji kale yeeshay wada hadallada u dhexeeya kooxaha Juventus iyo Ajax ee ku aaddan la saxiixashada xiddigga difaaca kooxda Ajax uga ciyaara ee Matthijs de Ligt.

Kooxda reer Netherlands ayaa iska diidday dalabkii ugu horreeyay ee ay Bianconeri ka gudbisay difaaca dhallinta yar, iyadoo ku adkeysatay inay xiddigeeda ku iibiso lacag aanan ka yarayn €75m.

Ajax ayaa hadda dardar gelineysa qorshe kale oo ay Juve kula saxiixan karto De Ligt.

Kooxda Eridivise-ka hanatay ayaa dooneysa in heshiiska laga qayb dhigo weeraryahanka dhallinyarada ah ee Moise Kean.

Waa sheeko kale oo xiiso badan, se lama hubo go’aanka The Old Lady ay ka qaadan doonto arrintan, maadaama ay muhiim arkaan Kean, kaasoo ay horraan iska diideen in Everton ay kaga iibiyaan €30m.

Weli way furantahay fursadda Juventus ee la saxiixashada Captain-ka Ajax, iyagoo horraan heshiiska shaqsiga ah la gaarray.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close