Xulka Nigeria oo iska xaadiriyay wareega siddeed dhamaadka koobka qarammada Afrika, kaddib markii ay garaaceen Cameroon … + SAWIRRO

(Qahira) 06 Luulyo 2019. Xulka Nigeria ayaa u soo baxay wareegga siddeed dhammaadka koobka qarammada qaaradda Afrika kaddib markii ay 3-2 ku garaaceen dhigooda Cameroon.

Kulankan oo ahaa mid aad u adag ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 2-1 ah.

Daqiiqadii 19-aad Odion Ighalo ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa qaranka Nigeria, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Kenneth Omeruo.

Daqiiqadii 41-aad xiddiga xulka qaranka Cameroon ee Stephane Bahoken ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1, waxaana goolkan ka caawiyay Christian Bassogog.

Kahor dhamaadka qeybta hore ee ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 44-aad Clinton N’Jie ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa qaranka Cameroon, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1, xili goolkan uu ka caawiyay Stephane Bahoken

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta labada xul qaran ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado cajiib ah si ay u dhaliyaan goolal.

Daqiiqadii 63-aad xulka qaranka Nigeria ayaa helay goolka barbaraha waxaana ciyaarta 2-2 ka dhigay Odion Ighalo oo caawin ka helay Ahmed Musa.

Markan daqiiqadii 66-aad xulka qaranka Nigeria ayaa hogaanka u qabtay ciyaarta waxaana 3-2 ka dhigay Alex Iwobi oo caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Odion Ighalo.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 3-2, iyadoo Xulka Nigeria uu u gudbay wareega siddeed dhamaadka koobka qarammada Afrika, halka Cameroon gabi ahaanba ay isaga hareen tartankan.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close