Lacazette oo go’aamiyay wararka xanta ah ee ku aadan inuu ka tagayo Arsenal suuqan xagaaga

(London) 06 Luulyo 2019. Weeraryahanka Arsenal ee Alexandre Lacazette ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa Emirates Stadium, wuxuuna go’ansaday inuu sii joogo kooxda reer London xili ciyaareedka soo socda, kaddib markii uu helay dalabyo dhowr ah suuqan xagaaga.

Alexandre Lacazette ayaa lala xiriirinayay ku biirista Barcelona iyo kooxo kale waaweyn ee ka dhisan Yurub inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga, kaddib qaab ciyaareed cajiib ah uu ka sameeyay Gunners xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

28 jirkan ayaa muujiyay sida weyn uu u doonayo inuu baaqi ugu sii ahaado kooxdiisa Arsenal, kaddib fariin qoraaleed uu ku daabacay boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka maanta oo Sabti ah.

Lacazette ayaa sheegay in Arsenal ay tahay “Gurigiisa”, isagoo ka hadlayay wararka sheegaya inuu u dhaqaaqi doono Barcelona hadii ay dhacdo inay ku guuldareystaan heshiiska Antoine Griezmann

“Labo sanno oo uu ku sugnaa Arsenal, waxaan kaliya doonayaa inaan kaga mahad celiyo qof walba jaceylka aad ii muujiseen iyo awooda aad i siiseen”.

Lacazette ayaa u saftay kooxdiisa Arsenal 49 kulan ee ah dhamaan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, wuxuu dhaliyay 19 gool, isagoo sidoo kale caawiyay 13 gool kalena.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close