Kulamada caawa la ciyaari doono wareega 16-ka Koobka Qarammada Afrika 2019, iyo saacadaha ay soo galayaan

 (Qahira) 06 Luulyo 2019. Tartankan koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019 ayaa si habsami leh uga socda Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar oo sanadkan iyagu ay marti-gelinayaan tartankan.

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay heerka Groupy-ada ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, iyadoo xalay 2 kulan ka tirsan wareega 16-ka la ciyaaray.

Xulka Senegal ayaa u soo baxay wareegga siddeed dhammaadka koobka qarammada qaaradda Afrika kaddib markii ay 1-0 ku garaaceen dhigooda Uganda.

Sidoo kale caawa ayaa la ciyaari doonaa laba kulan kale ka tirsan wareega 16-ka ee koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019 iyadoo ay is arki doonaan xulalka kala ah Nigeria Vs Cameroon iyo sidoo kale Egypt Vs South Africa

Haddaba Eeg Kulamada laga ciyaari doono caawa wareega 16-ka Koobka Qarammada Afrika 2019, iyo saacadaha ay soo galayaan:-

7: 00 Habeenimo: Nigeria Vs Cameroon.

10:00 Habeenimo: Egypt Vs South Africa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close