“Dhibaato xoogan ayaan ku qabay Cristiano Ronaldo”- Toni Kroos

(Madrid) 06 Luulyo 2019. Xiddiga khadka dhexe reer Germany iyo kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa sheegay in saaxiibkiis hore ee Cristiano Ronaldo uu dhibaato ku qabay marar badan inta ay ku wada sugnaayeen magaalada Madrid.

Toni Kroos  oo hal xaafad ay ka wada daganaayeen Cristiano Ronaldo magaalada Madrid ayaa sheegay inuu dhibaato ku qabay xafladaha uu qabsan jiray xiddiga reer Portugal.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa daabacay hadalada xiddiga khadka dhexe reer Germany iyo kooxda Real Madrid ee Toni Kroos wuxuuna yiri:

“Waxaan inta badan maqli jiray dabaaldegyada Ronaldo ee gurigiisa, waxay socon jirtay ilaa iyo waqti dambe ee habeenkii ah”.

“Qeylada Cristiano Ronaldo waxay ahayd mid aad u sareysa, mararka qaar waxaan ka codsan jirnay in codkiisa uu hoos u dhigo” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Toni Kroos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close