Barcelona oo iska diiday qorshe ay Inter Milan ku damacsaneed iney kala badashaan Nainggolan & Vidal.

(Yurub) 6 Luulyo 2019. Kooxda Inter Milan ayaa keentay qorshe fashil noqday oo ay dhigeeda Barcelona ugu soo bandhigtay iney laba ciyaartoy kala badashaan sida ay baahiyeen warbaahinta talyaaniga.

Waxaa soo ifbaxay warar xan ah oo sheegaya in Arturo Vidal uu dib ula midoobi doono tababarahiisii hore Antonio Conte oo xilka kooxda Inter Milan loo dhiibay dhawaan.

Gianluca Di Marzio oo ka tirsan Sky Sport Italia ayaa shaaca ka qaaday in sheekadaan bil ka hor uu ka war hayay isla markaana Inter Milan ay keentay qorshaha ay isaga fogeyneyso Radja Nainngolan kaas oo la fahamsan yahay inuusan ku jirin qorshaha Antonio Conte.

Kooxda ka dhisan San Siro waxey isku dayday iney kooxo badan u bandhigto xiddiga reer Belgium, waxaana ka mid ah Balaugrana oo ay ka dalbadeen Arturo Vidal oo 32-jir ah.

Si kastaba Barcelona waxey go’aansatay ineysan aqbalin.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close