Xulka Senegal oo u gudbay wareega siddeed dhamaadka koobka qarammada Afrika, kaddib markii ay garaaceen Uganda … + SAWIRRO

(Qahira) 05 Luulyo 2019. Xulka Senegal ayaa u soo baxay wareegga siddeed dhammaadka koobka qarammada qaaradda Afrika kaddib markii ay 1-0 ku garaaceen dhigooda Uganda.

Kulankan oo ahaa mid aad u adag ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 1-0 ah.

Daqiiqadii 15-aad Sadio Mane ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa qaranka Senegal, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis M’Baye Niang.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta labada xul qaran ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado cajiib ah si ay u dhaliyaan goolal.

Daqiiqadii 61-aad xulka qaranka Senegal ayaa waxay heleen rigoore, balse waxaa ka qasaariyay xiddigooda Sadio Mane.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-0, iyadoo Xulka Senegal uu u gudbay wareega siddeed dhamaadka koobka qarammada Afrika, halka Uganda gabi ahaanba ay isaga hareen tartankan.

SAWIRRO:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close