“Pogba wuxuu go’aansaday inuu ka tago Old Trafford ” – Mino Raiola

(Manchester ) 05 Luulyo 2019. Wakiilka Paul Pogba ee Mino Raiola ayaa xaqiijiyay in xiddiga uu dalaalka ka yahay ee reer France uu go’aansaday inuu ka tago kooxda Manchester United.

Waxaa jiray dhawaanahan warar ku aadan in Pogba uu ku war galiyay maamulka kooxda Manchester United inuu doonayo ka dhaqaaqista garoonka Old Trafford suuqan xagaaga.

Hadaba wakiilka xiddigan ee Mino Raiola ayaa wareysi uu siiyay wargeyska “Times” ee dalka England wuxuu ku sheegay:

“Qof walba wuu ogyahay in Pogba uu go’aansaday inuu baxo, kuma faraxsana kooxda Manchester United, waa inuu baxaa”.

26 jirkan ayaa ilaa iyo haatan ka maqan diyaar garowga kooxda ee xilli ciyaareedka cusub, taasoo sii kordhineysa shakiga laga qabo mustaqbalkiisa kooxda Red Devils.

“Qof walba ee ku sugan kooxda, tababaraha ilaa iyo milkiilaha wuxuu ogyahay rabitaanka Pogba”.

Si kastaba Paul Pogba ayaa lala xiriirinayaa kooaha Real Madrid ama Juventus, balse waxaa jira warar sheegaya in laacibka reer Frace uu ku dhow yahay dib ugu laabashada kooxdiisii hore ee Bianconeri

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close