Wareega 16-ka Koobka Qarammada Afrika 2019 oo caawa la daah furayo, kulamada la ciyaarayo iyo saacadaha ay soo galayaan

(Qahira) 05 Luulyo 2019. Tartankan koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019 ayaa si habsami leh uga socda Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar oo sanadkan iyagu ay marti-gelinayaan tartankan.

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay heerka Groupy-ada ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, iyadoo caawa ay bilaabmi doonaan kulamada wareega 16-ka.

Laba kulan ka tirsan wareega 16-ka ee koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019 ayaa caawa la ciyaari doonaa, kuwaasoo kala ah Morocco Vs Benin, Uganda Vs Senegal.

Haddaba Eeg Kulamada laga ciyaari doono caawa wareega 16-ka Koobka Qarammada Afrika 2019, iyo saacadaha ay soo galayaan:-

7: 00 Habeenimo: Morocco Vs Benin.

10:00 Habeenimo: Uganda Vs Senegal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close