Goorma Ayey Real Madrid ku dhawaaqeysaa saxiixa Paul Pogba? Wargeyska OK Diario ayaa ka warbixiyay.

(Madrid) 5 Luulyo 2019. Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa iney kalsooni buuxda ku qabto ku dhawaaqista saxiixa Paul Pogba inta lagu jiro isbuuca soo aadan, waxaana lagu daabacay wargeyska Ok Diario ee laga leeyahay dalka Spain.

Paul ayaa soo jeediyay dhawaan inuu doonayo ka bixitaanka Old Trafford si uu meel kale tartan cusub uga sameeyo, sidaas darteed haatan waxaa sii xoogeysanaya wararka ku dhaweynaya kooxda boqortooyada.

Inkastoo ay jiraan warar aan miisaan badan laheyn oo la xiriirinaya dib ugu laabashada Juventus, hadana Paul Pogba wuxuu jeclaan lahaa inuu ka hoos ciyaaro Zinedine Zidane.

Wargeyska OK Diario  ayaa baahiyay in Paul Pogba uu doonayo fasal ciyaareedka 2019/20 uu ku ciyaaro shaatiga Los Blancos, waxeyna kooxda Santiago Bernabeu ka dhisan kalsooni buuxda ku qabtaa iney dhameyn doonto isbuuca soo aadan.

26-jirkaan ayaa dhaliyay 16-gool, sidoo kalana sameeyay 11-caawinaad, 47 ciyaarood uu kasoo muuqday Man United fasal ciyaareedkii dhamaaday.

Xiddiga ku guuleystay koobka Adduunka waxaa la sheegay inuu si khaas ah Ole Gunnar uga codsan doono inuu iska fasaxo, waxaana jira olole ay Madrid ku damacsan tahay iney heshiiskiisa ka qeybgaliso Gareth Bale.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close