Frenkie de Jong oo lagu soo bandhigay garoonka Camp Nou… + SAWIRRO

(Barcelona) 05 Luulyo 2019. Xiddiga khadka dhexe reer Holand ee Frenkie de Jong ayaa heshiis rasmi ah u saxiixay kooxda Barcelona.

Frenkie de Jong ayaa loogu soo bandhigay saxaafada iyo taageerayaasha garoonka Camp Nou, isagoo saxiixay heshiis 5 sano ku sii heyn doona kooxda Barcelona.

Waxaa xusid mudan in Warar dhowr ah lagu sheegay in heshiiska uu Frenkie de Jong ku yimid kooxda Barcelona uu ku kacay qiyaastii qiimo dhan 75 milyan euro, iyo 11 milyan euro ee ha lacagta kala wareejinta heshiiska.

Frenkie de Jong ayaa bandhig wanaagsan ka soo sameeyay kooxdiisii hore ee Ajax xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, isaga oo lagu xasuusto inuu ku hogaamiyay inay gaaraan wareega afar dhamaadka tartanka Champions League, kaddib markii ay garaaceen kooxaha Real Madrid iyo Juventus.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close