RASMI: Xilliga la ciyaari doonto labada lug ee horyaalka La Liga kulamada El Clásico Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo la shaaciyey

(Barcelona) 04 Luulyo 2019. Xiriirka kubadda cagta dalka Spain ayaa maanta soo saaray isku aadka Jadwalka kulamada horyaalka La Liga xilli ciyaareedka cusub ee 2019-2020, iyadoo haatan la ogaaday goorta la ciyaari doonto kulanka El Clásico.

Kulankan El Clásico ee dhexmara kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa ah kan ugu xiisaha badan horyaalka Spain, waxaana la shaaciyey taariikhda iyo maalinta la ciyaari doono labada kulan El Clásico ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedka cusub.

Kulanka lugta koowaad El Clásico ee horyaalka La Liga 2019-2020 ayaa ka dhici doona garoonka kooxda Barcelona ee Camp Nou maalin Axad ah 27-ka bisha October ee sanadkan 2019.

Yeelkeede, kulanka lugta labaad horyaalka La Ligaha Spain xilli ciyaareed cusub ee El Clásico ayaa labada kooxood ku dhexmari doonaa garoonka Bernabeu, Real Madrid ayaana soo dhoweyn doonta Barcelona, maalin Axad 01 bisha Maarso sanadka 2020, markaasoo ah xilliga uu horyaalka marayo meel xiiso leh.

Haddaba halkaan hoose ka eeg taariikhda iyo todobaadyada ay ku jiraan kulammada El Clásico:-

Kulammada 10-aad: Barcelona – Real Madrid ( Axad, 27/10/2019)

Kulammada 26-aad: Real Madrid – Barcelona (Axad 01/03/2020)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close