RASMI: Xilliga la ciyaari doonto labada lug ee horyaalka kulamada Madrid Derby ee Kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid oo la shaaciyey

(Madrid) 04 Luulyo 2019. Xiriirka kubadda cagta dalka Spain ayaa maanta soo saaray isku aadka Jadwalka kulamada horyaalka La Liga xilli ciyaareedka cusub ee 2019-2020, iyadoo haatan la ogaaday goorta la ciyaari doonto kulanka Madrid Derby.

Kulankan Madrid Derby ee dhexmara kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa ah mid xiiso leh, waxaana la shaaciyey taariikhda iyo maalinta la ciyaari doono labada kulan Madrid Derby ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedka cusub.

Kulanka lugta koowaad Madrid Derby ee horyaalka LaLiga 2019-20 ayaa ka dhici doona garoonka kooxda Atletico Madrid ee Wanda Metropolitano maalin Axad ah 29-ka bisha September ee sanadkan 2019.

Yeelkeede, kulanka lugta labaad horyaalka La Ligaha Spain xilli ciyaareed cusub ee Madrid Derby ayaa labada kooxood ee caasimadda ka dhisan waxa uu ku dhexmari doonaa garoonka Bernabeu, Real Madrid ayaana soo dhoweyn doonta Atletico Madrid, Axad 02 bisha February sanadka 2020, markaaso ah xilliga uu horyaalka meel xiiso leh marayo.

Haddaba halkaan hoose ka eeg taariikhda iyo todobaadyada ay ku jiraan kulammada Madrid Derby:-

Kulamada 7-aad: Atlético Madrid – Real Madrid (Axad 29 September, 2019)

Kulamada 22-aad: Real Madrid – Atlético Madrid (Axad 2 February, 2020)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close