Kooxda Manchester City oo xaqiijisay lambarka uu u xiran doono xiddeeda cusub ee Rodri… + SAWIRRO

(Manchester) 04 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa xaqiijisay lambarka uu u xiran doono saxiixeeda cusub ee Rodri, kaasoo ay kala soo wareegeen maanta naadiga Atlético Madrid.

Rodri ayaa kooxda Man City ugu biiray adduun dhan 63 milyan oo gini waxaana uu qalinka ugu duugay qandaraas shan sanadood ah, isagoo noqday xiddigii ugu qaalisanaa taariikhda kooxda Manchester City.

Manchester City waxa ay shaacisay in 23-sano jirkaan khadka dhexe uu u xiran doono lambarka 16-aad.

Waxa uu kooxda Atletico Madrid u saftay 84 kulan saddex xilli ciyaareed oo uu ku sugnaa waxaana uu kula guuleystay UEFA Super Cup.

Xiddigan xulka qaranka Spain kaasoo kooxda Atletico Madrid u xiran jiray lambarka 14-aad ayaa Manchester City u xisan doona lambarka 16-aad sida ay kooxdu shaacisay.

Lambarkan caanka ah ee 16-aad waxaa horay kooxda Sky Blues ugu xiranaa Sergio Aguero oo laftiisu ka yimid kooxda Atletico sanadkii 2011-kii tan iyo sanadkii 2015-kii.

Xiddigaha kale ee lambarkan 16-aad horay ugu soo xirtay Man City waxaa ka mid ah; Prior to Sergio, Kasper Schmeichel, Sylvinho, Nicky Summerbee iyo Peter Reid.

Daafacyada Paul Ritchie, Vedran Corluka iyo Nedum Onuoha ayaa ah ciyaartoyda kale ee kooxda Manchester City lambarkaan soo xirtay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close