Kooxda Heegan oo maanta ka duushay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde… + SAWIRRO

(Soomaaliya) 04 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta ee Heegan FC  ayaa waxay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee aadan cadde international airport iyagoo ku sii jeeda dalka Rwanda si ay kaga qeyb galan tartanka Cecafa kagame cup 2019.

Wiilasha Heegan maalmihii ugu dambeyay waxey diyaar garow xoogan ku qaadanayen garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan.

Heegan waa sanadkii labaad oo ay ka qeyb galayan tartanka Cecafa kagame cup 2019, iyagoo horey uga qeyb galey sanadkii 2014-15- balse sanadkan waxaa ka muuqda diyaar garow xoogan oo laga filan karo waxqabad muuqda kooxdan.

Safarka Heegan waxaa horkacaya xubno ka tirsan xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo qaar kamid ah maamulka kooxda Heegan.

Sido kale Heegan safarkan waxaa ku wehlinaya xidigaha kala ah Cabdiwali Cabdiraxmaan oo ka tirsan kooxda Dekedda, Abdinur oo qey ka ah Madbacada Qaranka iyo goolhaye Saaciid Yamani oo Muqdisho City Club ka tirsan dhamaan xidigahan waxey matali doonan kooxda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan.

Kulanka ugu horeyay ee tartanka Cecafa Kagame Cup kooxda Heegan waxey dheeli doontaa maalinta Sabtida ay taariikhda ku began tahay 9-4-19, waxayna wajihi doonaan Proline Football Club oo ka dhisan dalka Uganda.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close