Barcelona oo markaan diyaar u ah iney saxiixa Joao Cancelo kula dagaalanto Manchester City – Kooxdee ugu cad-cad?

(Yurub) 4 Luulyo 2019.  Kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa iney markaan diyaar u tahay dagaal dhanka suuqa ah oo ay la galeyso Manchester City maadaama ay damacsan tahay iney Joao Cancelo la wareegto.

Xiddigaan reer Portugal wuxuu u muuqdaa mid ku biiraya kooxda Manchester City, balse haatan waxey mashquul badan ku tahay dhameystirka heshiiska Rodri Hernandez.

Intaas waxaa sii dheer in kooxda ka dhisan garoonka Etihad Stadium aysan diyaar u aheyn iney la kulanto lacagaha ay Bianconerri duldhigtay xiddigaan (60 Malyan oo Yuuro), halka sidoo kale marwada duqda ah ay diiday in laga qeyb galiyo heshiiska Danilo.

Gazzetta dello Sport ayaa shaaca ka qaaday in taas ay albaabka u furtay Barcelona oo suuqa ka baadi goobeysa badalka Nelson Semedo oo kusii jeeda Atletico Madrid.

Kooxda ka dhisan Camp Nou waxaa lala xiriiriyay iney dib usoo ceshaneyso Dani Alves oo si xor ah suuqa ku jooga.

Dhinaca kale Bianconerri waxey isha ku heysaa Darmian oo ay la dooneyso badalka Cancelo, balse warbaahinta qaar ayaa qiraya in xiddiga Red Devils uusan dooqa koowaad u aheyn kooxda ka dhisan Turin.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close