Waa kuwee labada saxiix uu isbuucaan gudahiisa doonayo Ole Gunnar Solskjaer in la dhameeyo? kuma jiro Bruno Fernandes.

(England) 3 Luulyo 2019. Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya in isbuucaan lasoo afjaro laba saxiix, isagoo doonaya in afar saxiix ay kaga filan tahay inuu ku aado kulamada fasaxa.

Red Devils ayaa horay u xaqiijisay heshiisyada Daniel James oo ay 18 Malyan oo Pound kaga soo qaateen Swansea City iyo Aaron Wan-Bissaka oo ay Crystal Palace kaga soo iibsadeen 50 Malyan oo Pound.

Wararka laga helay Ingiriiska ayaa sheegaya in macalinka reer Norway uu maamulka kooxdiisa ka doonayo iney soo afjaraan heshiiska Issa Diop oo ka tirsan West Ham isla isbuucaan.

Wargeyska laga leeyahay dalka France ee L’Equipe ayaa qiraya in United aysan wali wax dalab ka gudbin xiddigaan, balse ay rumeysan tahay iney dalab lama diidaan ah miiska u saari doonto Hammers.

Dhanka kale Red Devils waxey 70 Malyan oo Pound ku dalbatay Harry Maguire, balse diidmo ayey la kulantay sida lagu qoray Sky Sports, waxeyna kooxdaan dooneysaa iney gabi ahaan isaga baxdo doonistiisa.

Xiddiga labaad uu doonayo Ole in lasoo dhameeyo isla isbuucaan waa xiddiga khadka dhexe Newcastle United Sean Longstaff.

Wiilkaan wuxuu Red Devils ugu wareegi karaa 25 Malyan oo Pound, Ole wuxuu aaminsan yahay in xiddigaan uu kaga maarmi karo Bruno Fernandes kana raqiisan yahay.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close