Waa kuma ciyaaryahanka berri tijaabada caafimaad u mari doona kooxda Juventus?

(Turin) 03 Luulyo 2019. Sida wararku ay sheegayaan goolhaye Gianluigi Buffon ayaa la filayaa inuu tijaabada caafimaad berrito oo Khamiis ah u mari doono Juventus isagoo dib ugu soo laabanaya kooxdan.

Suxufiyiinta wax ka qora ciyaaraha ee Gianluca Di Marzio, Fabrizio Romano iyo Romeo Agresti ayaa dhammaantood isku raacay in Buffon uu berri tijaabada caafimaad u mari doono kooxda Juve.

Romano ayaa sidoo kale xaqiijiyey in goolhayahan halyeyga ah uu Naadiga Bianconeri u saxiixi doono heshiis hal sano ah.

41-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ku qaatay kooxda Paris Saint-Germain ee Waddanka Faransiiska, laakiin waxa uu doonayaa inuu xirfaddiisa ciyaareed ku soo gabagabeeyo kooxda The Old Lady lagu naanayso.

Buffon ayaa u saftay kooxda Juventus 656 kulan intii u dhaxaysay sanadihii 2001 iyo 2018, waxaana uu kula guuleystay sagaal horyaalka Serie A ee Scudetti.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close