RASMI: Kooxda Atletico Madrid oo xaqiijisay lambarka uu xiran doonto Weeraryahankeeda cusub ee Joao Felix

(Madrid) 03 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee ka dhisan dalka Spain ayaa xaqiijisay lambarka uu u xiran doonto Weeraryahankeeda cusub ee Joao Felix.

Atletico Madrid ayaa la saxiixatay Weeraryahanka reer Portugal ee Joao Felix waxaana ay ku soo qaateen Adduun dhan 126 milyan oo euro oo u dhiganta 113 milyan oo gini, iyagoo kala soo wareegay naadiga Benfica isagoo noqday ciyaaryahanka shanaad ee ugu qaalisan taariikhda.

Kaliya Neymar Jr, Kylian Mbappe, Philippe Coutinho iyo Ousmane Dembele ayaa lacago ka badan lagu iibsaday Felix, waana da’yarka labaad ee ugu qaalisan kubadda cagta kaddib Mbappe.

Haatan kooxda reer Spain ee Atletico Madrid waxa ay shaacisay in laacibka reer Portugal ee Joao Felix uu xiran doono lambarka 7-aad.

Lambarkan waxaa Atletico u xiran jiray Antoine Griezmann, kaasoo aan si rasmi ah kooxda uga tagin, balse ay u badan tahay inuu ku biiri doono naadiga Barcelona xagaagan.

Ka hor João Félix waxaa lambarka 7-aad horay ugu soo xirtay kooxda Atletico Madrid xiddigaha Juninho Paulista, Diego Forlan iyo Antoine Griezmann.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close