Maxaa ka jira wararka sheegaya in aabaha Neymar uu kulan la yeelanayo maamulka kooxda Barcelona?

(Brazil) 3 Luulyo 2019. Waxaa soo ifbaxay maalmahii lasoo dhaafay warar xan ah oo sheegaya in la agaasimay kulan dhexmari doona aabaha Neymar iyo maamulka Barcelona si ay uga wadahadlaan mustaqbalka xiddiga reer Brazil ee la fahamsan yahay inuu doonayo kusoo laabashada Camp Nou.

Aabaha Neymar wuxuu beeniyay wararka sheegaya inuu la kulmayo maamulka Balaugrana, isagoo qiray inuu hadda ku sugan yahay wadanka Brazil isla markaana uu dib ugu laaban doono magaalada Paris.

27-jirkaan heerka caalami ayaa diiday inuu kusoo laabto xerada tababarka kooxda si uu kaga qeybgalo safarka ay ugu bixi doonaan China kulamada fasaxa, inkastoo wararkaas aysan aheyn warar la hubo.

“Marnaba ma qorsheynayo, hadda waxaan joogaa Brazil, waana joogi doonaa ilaa uu wiilkeyga ku laaban doono Paris” ayuu yiri aabaha dhalay Neymar.

Warar dhinacyo badan ka imaanaya ayaa sheegaya in Neymar Jr uu damacsan yahay qorshe uu Paris Saint Germain ugu qasbayo iney dib uga iibiso Balaugrana.

Neymar Jr wuxuu kooxdiisa PSG ku qaatay laba fasal ciyaareed walow ay saameyn xoog leh u geysteen dhaawacyo, hadana wuxuu dhaliyay 51-gool, isagoo abuuray 29 gool kale.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close