Liverpool oo la xiriirtay Barcelona si ay wax uga weydiiso suurtagalnimada ay ku heli karto Ousmane Dembele.

(England) 3 Luulyo 2019. Kooxda Liverpool ayaa la xiriritay dhigeeda Barcelona si ay wax uga weydiiso hadii laga iibinayo xagaagan xiddiga reer France Ousmane Dembele.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray warar xan ah oo sheegaya in Balaugrana ay ku qasbanaan doonto iibka Dembele si ay uga badbaado xeerka dhaqaale wanaagga (FFP) hadii ay keensadaan labada xiddig ee Neymar iyo Griezmann.

Warbaahinta qaar ayaa baahisay in Dembele laga yaabo inuu ku biiro Paris Saint Germain kana mid noqdo heshiiska uu Neymar Junior dib ugu soo laabanayo Camp Nou, balse France Football ayaa baahisay in Liverpool ay xiriir la sameysay dhigeeda Balaugrana.

Jurgen Klopp ayaa muddo badan isha ku hayay xiddiga reer France, wuxuuna isku dayi doonaa inuu dalbado mar kale hadii fursad loo siiyo iibkiisa.

Si kastaba kooxda ka dhisan Anfield waxey tartan kala kulmi kartaa Bayern Munich oo durba la sheegay in laga soo diiday dalab dhan 62 Malyan oo ay ka gudbiyeen xiddigii hore Dortmund.

Dembele heshiiska uu kula jiro Barcelona wuxuu dhamaanayaa 2022, balse kooxda reer Catalan ayaa u baahan iney hesho ugu yaraan 200 Malyan oo Pound si ay awood buuxda ugu hesho keenista Neymar & Griezmann.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close