Xiddig ka tirsan Liverpool oo fariin qiiro leh ku macsalaameeyay kooxda & taageerayaasha

(England) 02 Luulyo 2019. Xiddiga reer Spain ee Alberto Moreno ayaa ka tagay Liverpool 5 sano kaddib imaatinkiisa, isagoo kula guuleystay tartanka Champions League xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Ciyaaryahanka reer Spain ayaa u ciyaaray kooxda Liverpool 141 kulan, wuxuuna dhaliyay 3 gool waayihiisa Reds, tan iyo markii uu kaga soo biiray Seville xagaagii 2014.

Image result for Alberto Moreno and his friends in Liverpool

26 jirkan reer Spain ayaa fariin uu ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka wuxuu ku macsalaameeyay kooxdiisa Liverpool.

“Nolosha waxay u soconeysaa qeyb qeyb, waayaheygii Liverpool ee aan qalbiga ka jeclaa, waxay soo gaartay heer gabogabo ah”.

“Waan u mahadcelinayaa kooxda, sababtoo ah waxay iga dhigeen inaan noqdo ciyaaryahan fiican, iyo sidoo kale qof fiican”.

“Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa taageerayaasha kooxda Liverpool oo had iyo jeer i garab taagnaa”.

Yeelkadeeda, wararka ayaa waxay tilmaamamayaan Alberto Moreno uu dib ugu laaban doono dalka Spain, si uu u xirto maaliyada kooxda Villarreal xilli ciyaareedka soo aadan.

Alberto Moreno ayaan qeyb ka noqonin line-upka kooxda Liverpool xilli ciyaareedkii hore, kaddib markii uu tababare Klopp ka door biday dhigiisa Robertson, xili sidoo kale uu soo idlaaday qandaraaskiisa Reds.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close