Kulamada caawa la ciyaarayo Koobka Qarammada Afrika, Copa America iyo Koobka Adduunka Dumarka ee 2019 iyo saacadaha ay soo galayaan

 (Qahira) 02 Luulyo 2019. Tartankan koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019 ayaa si habsami leh uga socda Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar oo sanadkan iyagu ay marti-gelinayaan tartankan.

Dhowr kulan oo ka tirsan tartankan ayaa la ciyaaray, waxaana lagu guda jiraa heerkiisa guruubyada oo la rajeynayo in dhawaan la soo gabagabeeyo, isla markaana ay xulalku u gudbaan wareegga 16-ka Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019.

Afar kulan oo ka tirsan tartankan ayaa caawa la ciyaari doonaa, waxaana laba kulan ka tirsan Group E ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 oo caawa lasoo gabagabeyn doono ku wada ciyaari doona xulalka kala ah Angola Vs Mali, iyo sidoo kale Mauritania Vs Tunisia.

Dhinaca kalena Group F labo kulan oo ka tirsan ayaa caawa sidoo kale la ciyaari doonaan iyadoo ay isku dheggan yihiin; Benin Vs Cameroon, iyo Guinea-Bissau Vs Ghana.

Haddaba Eeg Kulamada laga ciyaari doono caawa Koobka Qarammada Afrika 2019, iyo saacadaha ay soo galayaan:-

Group E:

10:00 Habeenimo: Angola Vs Mali.

10:00 Habeenimo: Mauritania Vs Tunisia.

Group F:

7: 00: Habeenimo: Benin Vs Cameroon.

7:00 Habeenimo: Guinea-Bissau Vs Ghana.

Dhinaca kale waxaa caawa la ciyaari doonaa kulan ka tirsan wareega afar dhamaadka ee koobka adduunka Dumarka 2019 waxaana ka mid ah:

10:00 Habeenimo: England Vs USA.

Halka sidoo kale caawa saqda dhexe la ciyaari doono kulan ka tirsan wareega afar dhamaadka Copa America 2019 waxaana uu yahay.

03:30 habeenimo: Brazil Vs Argentina.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close