Group-ka F ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 oo caawa la soo gabagabeeyey

(Qahira) 02 Luulyo 2019. Waxaa caawa la soo gabagabeeyey Group-ka F ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, iyadoo labo xul ay si toos ah uga soo baxeen Guruubkan.

Xulka Ghana ayaa kulankii uu caawa ciyaaray waxa uu 2-0 uga adkaaday Guinea-Bissau, iyadoo kulankan lagu kala nastay barbaro 0-0.

Qeybtii labaad ee ciyaarta xulka Ghana ayaa la yimid labo gool waxaana u kala dhaliyey 46’daqiiqo Jordan Ayew iyo 72’daqiiqo Thomas, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-0 looga adkaaday xulka Guinea-Bissau.

Xulka Ghana ayaana isagoo shan dhibcood leh ka soo baxay Guruubkan F iyagoo u gudbay wareegga 16-ka Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019.

Dhinaca kale waxaa kulan kale oo adag uu dhexmaray xulalka Benin iyo Cameroon waxaana uu ku dhammaaday barbaro 0-0, iyadoo taasi ay xulka Cameroon kaga filnaatay inay shan dhibcood la yimaadaan oo ay u soo gudbaan wareegga 16-ka Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close