Group-ka E ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 oo caawa la soo gabagabeeyey

(Qahira) 2 Luulyo 2019. Waxaa caawa la soo gabagabeeyey Group-ka E ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, iyadoo labo xul ay si toos ah uga soo baxeen Guruubkan.

Xulka qaranka Mali ayaa guul kaga gaaray dhigooda Angola 1-0, kulankoodii 3-aad ee Group-ka E koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 oo si habsami leh kaga soconaya magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 uu ku hogaaminayay xulka qaranka Mali.

Daqiiqadii 37-aad xiddiga xulka Mali ee Amadou Haidara ayaa dhaliyay goolka daah furka ee ciyaarta wuxuuna ka dhigay 1-0, waxaana caawinta goolkan lahaa Moussa Doumbia.

Qeybtii labaad ee ciyaarta marka dib leysugu soo laabtay waxay labada xulba soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sidoo kale sameeyeen fursado halis ah ee loo filan karay goolal.

Ugu dambeyntii kulanka ayaana ku soo dhammaaday 1-0 ay guusha ku raacdday xulka qaranka Mali.

Xulka qaranka Mali ayaa Goup-kan E kaga soo baxay kaalinta koowaad, wuxuuna helay 7 dhibcood, halka Tunisia oo kaalinta 2-aad ku soo baxday ay heshay 3 dhibcood, waxayna labadan xul qaran u gudbeen wareegga xiga ee 16-ka Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019.

Dhinaca kale waxaa kulan kale oo adag uu dhexmaray xulalka Tunisia iyo Mauritania waxaana uu ku dhammaaday barbaro 0-0, taasoo ka dhigan in Angola iyo Mauritania ay gabi ahaanba tartankan macsalaameeyeen.

SAWIRRO:

Gool FM.

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close