Goormee ayey ku dhawaaqi doontaa Barcelona dhameystirka heshiiska Griezmann?

(Spain) 2 Luulyo 2019. Laacibka reer France ee Antoine Griezmann ayaa si rasmi ah u noqon doono ciyaaryahan kooxda Barcelona ah Isbuuca soo aadan, sida laga soo xigtay wargeyska “L’Equipe” ee dalka Faransiiska.

Qiimaha lagu kansali karo heshiiska Antoine Griezmann uu ku joogo Atletico Madrid ayaa hoos u dhacay tan iyo markii uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tagayo kooxdiisa xagaagan, sida uu sheegay wargeyska “L’Equipe” ee dalka France.

Kooxda reer Catalonia ayaa waxay bixindoontaa isbuuca soo aadan qiimo dhan 120 milyan euro, halka qiimihii hore ee heshiiskiisa Atletico Madrid lagu kansalayay uu gaarsiisnaa 200 milyan euro.

Yeelkadeeda, Wargeyska “L’Equipe” ee dalka France ayaa sheegay in Barcelona ay sugu doonto ilaa iyo isbuuca soo aadan, si ay ugu dhawaaqdo dhameystirka heshiiska Antoine Griezmann.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close