Goorma ayey Barcelona soo bandhigeysaa saxiixeeda cusub Frenkie de Jong? Iyo Faah-faahin ku saabsan heshiiskiisa.

(Barcelona) 2 Luulyo 2019. Kooxda Barcelona ayaa soo banaan bixin doonta saxiixeeda cusub Frenkie de Jong kaas oo gobolka Catalonia imaan doona khamiista soo aadan.

Sida lagu qoray shabakadda Marca, xiddigaan ayaa caafimaadka mari doona ka hor inta aan jamaahiirta kooxda loo soo bandhigin maalinta Jimcaha, waxaana lagu sawiri doonaa maaliyadda kooxda isagoo fursad u heli doona inuu la kulmo tiro aan la qiyaasin oo taageerayaal ah.

Kooxda Balaugrana ayaan wali shaaca ka qaadin waqtiga rasmiga ah iyo jadwalka xiddigaan ee maalinta jimcaha ah, balse waxey ka dhici doontaa Camp Nou.

Frenkie de Jong ayaa saaxiibadiisa kooxda Barcelona la kulmi doona 14-ka July, iyadoo la xasuusto in bishii January ee 2019 uu heshiis la gaaray kooxda, 75 Malyan oo yuuro ayuu kooxda ugu fadhiyaa, sidoo kalana 11 Malyan oo yuuro gunno ah ayaa ku lamaanan oo ku xiran bandhigiisa.

22-jirkaan reer Holland ayaa doortay Camp Nou, iyadoo ay xiiseynayeen kooxo badan oo qaaradda yurub ah, Josep Maria Bartomeu ayaana dhameystiray hawsha kaas oo kooxdiisa u suuragaliyay iney hesho xiddig aad loola dhacay bandhigiisa fasalkii dhamaaday.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close