Sababta ugu weyn uu ku seegay Copa America 2019, soo laabashada Zidane ee Real Madrid & dhowr arrimood muhiim ah uu ka hadlay Marcelo

(Madrid) 01 Luulyo 2019. Xiddiga kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Brazil ee Marcelo ayaa ka hadlay arimo badan oo muhiim ah, oo ay ka mid ahaayeen dib u soo laabashada Zinedine Zidane iyo inuu ka maqan yahay xulkiisa qaranka tartanka Copa America 2019.

Hadalka Marcelo ayaa wuxuu imaanayaa kaddib wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain, wuxuuna si cad u sheegay inuu ku faraxsan yahay soo laabashada Zidane.

Marcelo ayaa wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay:

“Zidane wuxuu ogyahay waxyaabo badan ee kooxda Real Madrid gudaheeda ah, waxa ugu muhiimsan ayaana ah, inuu heysto awood weyn uu kula xiriiro ciyaartoyda islamarkaana uu fahmo dhibaatooyinkooda, macalinkan waa sida walaalkey iga weyn oo kale”.

Intaas kaddib Marcelo ayaa wuxuu ka hadlay ka maqnaanshiyihiisa tartanka Copa America 2019 oo haatan si habsami leh kaga soconayo dalka Brazil, wuxuuna xiddiga kooxda Real Madrid xaqiijiyay in sababta ugu weyn uusan kaga qeyb qaadanin tartankan ay tahay, hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaareedkiisa, kahor inta uusan tilmaamin inuu yahay qofka kaliya ee naftiisa eedeen ujeedinaya.

“Waxa kaliya ee aan sameyn karo waa inaan qabto shaqo joogto ah si aan u xirto mar kale maaliyada xulka qaranka Brazil, ka maqnaanshiyaha Copa America aniga ayaa sabab u ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close