RASMI: Kooxda Liverpool oo isbedel ku samaysay lambarrada qaar ka mid ah ciyaartoydeeda

(England) 1 Luulyo 2019. Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah u shaacisay maanta oo Isniin ah in isbadal ay ku sameysay lambarada maaliyadaha qaar ka mid ah ciyaartoydeeda kahor bilowgii xilli ciyaareedka cusub ee 2019/2020.

Liverpool ayaa si rasmi ah ugu soo daabacday website-keeda rasmiga ah iyo sidoo kale boggogeeda baraha bulshada ee sida Facebook iyo Twitter, war rasmi ah ay shaaca ka qaaday in isbadal cusub ay ku sameysay lambarada maaliyadaha ciyaartoyda qaar ee kooxdeeda xili ciyaareedka cusub.

Liverpool ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u badashay labmarka maaliyadeed ee goolhaayaheeda Alisson Becker, laga bilaabo xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020 wuxuu xiran doonaa lambarka 1-aad, halka uu horey u xiran jiray No. 13.

Liverpool ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Chamberlain uu si rasmi ah u go’aansaday inuu xirto maaliyada lambarka 15-aad laga bilaabo xilli ciyaareedka cusub, halka labadii xili ciyaareed uu ku soo qaatay garoonka Anfield uu xirnaa lambarka 21-aad, tan iyo markii uu kaga soo wareegay Arsenal xagaagii 2017.

Chamberlain ayaa Arsenal u ciyaaray sanado badan oo uu ku xirnaan jiray maaliyada lambarka 15-aad, laakiin markii uu u dhaqaaqay kooxda Liverpool wuxuu ogaaday in lambarkaas uu yahay mid loogu tala galay Daniel Sturridge, laakiin ugu dambeyntii waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in Sturridge uusan qeyb ka ahaynd safka Reds xili ciyaareedka cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close