Kulamada caawa la ciyaarayo Koobka Qarammada Afrika 2019, iyo saacadaha ay soo galayaan

(Qahira) 01 Luulyo 2019. Tartankan koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019 ayaa si habsami leh uga socda Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar oo sanadkan iyagu ay marti-gelinayaan tartankan.

Dhowr kulan oo ka tirsan tartankan ayaa la ciyaaray, waxaana lagu guda jiraa heerkiisa guruubyada oo la rajeynayo in dhawaan la soo gabagabeeyo, isla markaana ay xulalka qaarkood u gudbaan wareegga 16-ka Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019.

Afar kulan oo ka tirsan tartankan ayaa caawa la ciyaari doonaa, waxaana laba kulan ka tirsan Group C ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 oo caawa lasoo gabagabeyn doono ku wada ciyaari doona xulalka kala ah Kenya Vs Senegal, iyo sidoo kale Tanzania Vs Algeria.

Dhinaca kalena Group D labo kulan oo ka tirsan ayaa caawa sidoo kale la ciyaari doonaan iyadoo ay isku dheggan yihiin; Namibia Vs Ivory Coast, iyo South Africa Vs Morocco.

Haddaba Eeg Kulamada laga ciyaari doono caawa Koobka Qarammada Afrika 2019, iyo saacadaha ay soo galayaan:-

Group C:

10:00 Habeenimo: Kenya Vs Senegal.

10:00 Habeenimo: Tanzania Vs Algeria.

Group D:

7: 00: Habeenimo: Namibia Vs Ivory Coast.

7:00 Habeenimo: South Africa Vs Morocco.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close