Group-ka D ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 oo caawa la soo gabagabeeyey …+ SAWIRRO

(Qahira) 01 Luulyo 2019. Waxaa caawa la soo gabagabeeyey Group-ka D ee koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019, iyadoo xulalka Morocco iyo Ivory Coast ay u soo baxeen wareega 16-ka ee Tartankan.

Xulka qaranka Ivory Coast ayaa wuxuu 4-1 kaga adkaaday dhigooda Namibia, kulankooda 3-aad ee Group-ka D, koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019, oo si habsami leh uga socda Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar oo sanadkan iyagu ay marti-gelinayaan tartankan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-0 uu ku hogaaminayay xulka qaranka Ivory Coast.

Daqiiqadii 39-aad ee ciyaarta Max-Alain Gradel ayaa hogaanka u dhiibay Xulkiisa qaranka Ivory Coast, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-0, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Franck Kessie.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta labada dhinac waxay sameeyeen qaab ciyaareed fiican, iyagoo sameeyay dhowr isku dayo si ay shabaqa u gaaraan.

Daqiiqadii 58-aad xiddiga xulka qaranka Ivory Coast ee Geoffroy Serey Die ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0, wuxuuna caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Jean-Philippe Gbamin.

71 daqiiqo Joslin Kamatuka ayaa neefta ku soo celiyay xulkiisa Namibia, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1.

Balse daqiiqadii 84-aad, Wilfried Zaha ayaa niyadjabiyay taageerayaasha xulka qaranka Namibia kaddib markii uu ciyaarta ka dhigay 3-1, waxaana goolkan markale caawiyay Franck Kessie.

89 daqiiqo xulka qaranka Ivory Coast ayaa waxay Heleen goolkoodii 4-aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay Maxwel Cornet, iyadoo caawintii seddexaad ee kulankan uu sameeyay Franck Kessie oo ciyaartan ka noqday boqorka caawinta.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhaamatay 4-1 iyadoo uu xulka qaranka Ivory Coast uu Group-ka D kaga soo bxay kaalinta 2-aad, halka Morocco ay ku soo baxeen kaalinta 1-aad, waxayna u gudbeen wareega xiga ee 16-ka ee koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019.

Dhinaca kale ciyaarta dhex martay xulkalka South Africa iyo Morocco ay ku soo idlaatay 1-0 ay guusha ku raacday wiilasha matalayay South Africa, iyadoo daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta uu u dhaliyay ciyaaryahankooda Bongani Zungu.

Waxaa xusid mudan in xulalka South Africa iyo Namibia ay gabi ahaanba isaga hareen koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close