Xilliga uu imaanyo Turin, goorta uu tijaabada caafimaad mari doono iyo wax waliba oo ku saabsan heshiiska uu Adrien Rabiot ugu biirayo Juventus

(Turin) 30 Juunyo 2019. Adrien Rabiot ayaa la soo sheegayaa inuu kooxda Juventus tijaabada caafimaad u mari doono berri oo Isniin ah subaxa hore, waxaana sidaas warinaysa inta badan warbaahinta dalka Talyaaniga, ka hor inta uusan qalinka ugu duugin qandaraas afar sanadood ah.

Heshiiska ayaa la isku raacay inuu dhacay isbuucaan, laakiin Bianconeri ayaa go’aansatay inay sugto illaa inta uu dhacayo heshiiskiisa uu kula jiray kooxda Paris Saint-Germain maanta.

Waxaa sidoo kale la wariyey in kooxaha Manchester United iyo Barcelona ay doonayeen saxiixiisa, laakiin waxaa lagu qanciyay inuu ku biiro Naadiga Juventus.

Waxaa la warinayaa inuu Juve u saxiixi doono heshiis afar sanadood ah oo uu sanadkii ku qaadanayo 7 milyan oo euro oo lagu daray lacagaha gunnooyinka ah, oo ay sii raacdo 10 milyan oo euro oo ah saxiixiisa beeca xorta ah.

Sida ay warinayaa wararkii ugu dambeeyey oo ay daabaceen Wargeysyada waa weyn ee dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in Rabiot uu caawa imaan doono Magaalada Turin, ka hor inta uusan berrito tijaabada caafimaad ku marin xarunta J-Centre.

Sidoo kale Isniinta berri ah Juventus ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo saxiixa kabtanka kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt, kaasoo qiimo ahaan ku kacaya 67 milyan oo euro  oo lagu daray 13 milyan oo euro.

Wixii warar ah ee ku soo kordha heshiisyada kooxda Juventus ee Adrien Rabiot iyo Matthijs de Ligt dib ayaan idin kaga soo gudbin doonnaa hadduu Eebbe ogolaado.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close