Kooxda Manchester United oo isku dayaysa inay Barcelona ka af-duubato Antoine Griezmann

(Manchester) 30 Juunyo 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay isku diyaarinayso inay xilli dambe dalab ka gudbiso Weeraryahanka Atletico Madrid ee Antoine Griezmann si ay ugu soo dhaqaajiso garoonka Old Trafford suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

Griezmann ayaa la soo sheegayaa inuu ogolaaday heshiis shan sanadood ah oo uu ugu biirayo kooxda Barca, waxaana warbixinta sidoo kale lagu sheegay in xiddigan reer France uu si rasmi ah adduun dhan 107 milyan oo gini ugu biiri doono kooxda xafidanaysa horyaalka La Ligaha Spain 01 bisha July ee ku beegan berri oo Isniin ah.

Wargeyska The Sun ayaa warinaya in kooxda Manchester United ay iska diiday inay ka rajo dhigto soo xero-gelinta xiddigan koobka Adduunka kula guuleystay sanadkii hore xulkiisa qaranka Faransiiska, kaasoo ku dhawaaqay inuu xagaagan isaga tagayo garoonka Wanda Metropolitano.

Wararku waxa ay intaa ku darayaa in Man United ay isku dayeyso inay ka dhaadhiciso Griezmann in Neymar uu bartilmaameed u yahay Barca xagaagan, taasoo laga yaabo inuu ka fiirsado illaa daqiiqadda ugu dambeysa ka hor inta uusan u dhaqaaqin kooxda Catalan ciyaaryahanka ku guuleystay Koobka Adduunka sanadkii hore ee 2018.

Weeraryahankan ayaa dhaliyey 133 gool 257 kulan oo uu u saftay kooxda Atletico Madrid tan iyo markii uu naadiga macallin Diego Simeone kaga soo dhaqaaqay naadiga Real Sociedad sanadkii 2014-kii.

Man United ayaa suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan ka baadi-goobaysa weeraryahan cusub, iyadoo weeraryahankeeda haatan ee Romelu Lukaku si xoog leh loola xiriirinayo inuu u dhaqaaqi doono kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close