Group-ka B ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 oo caawa la soo gabagabeeyey …+ SAWIRRO

(Qahira) 30 Juunyo 2019. Waxaa caawa la soo gabagabeeyey Group-ka B ee koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019, iyadoo xulalka Madagascar iyo Nigeria ay ku soo kala baxeen wareega 16-ka ee Tartankan.
Xulka qaranka Madagascar ayaa wuxuu 2-0 kaga adkaaday dhigooda Nigeria, kulankooda 3-aad ee Group-ka B, koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019, oo si habsami leh uga socda Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar oo sanadkan iyagu ay marti-gelinayaan tartankan.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-0 uu ku hogaaminayay xulka qaranka Madagascar.
Daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta Lalaina Nomenjanahary ayaa hogaanka u dhiibay Xulkiisa qaranka Madagascar, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-0.
Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta labada dhinac waxay sameeyeen qaab ciyaareed fiican, iyagoo sameeyay dhowr isku dayo si ay shabaqa u gaaraan.
Daqiiqadii 53-aad Carolus Andriamahitsinoro ayaa gaaray shabaqa xulka Nigeria, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhaamatay 2-0 iyadoo uu xulka qaranka Madagascar uu Group-ka B kaga soo bxay kaalinta 1-aad, halka Nigeria ay galeen kaalinta 2-aad.
Dhinaca kale xulalka Guinea iyo Burundi oo isaga haray koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019 ayaa waxay Group-ka B kaga dhameysteen kaalmaha 3-aad iyo 4-aad, sida ay u kala horeeyaan.
Xulka Guinea oo kulankan ay wada ciyaareen ku adkaaday 2-0, ayaa waxaa goolasha u dhaliyay daqiiqadihii 25-aad iyo 52-aad, xiddigooda Mohamed Yattara.
SAWIRRO:
Gool FM.