Group-ka A ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 oo caawa la soo gabagabeeyey …+ SAWIRRO

(Qahira) 30 Juunyo 2019. Waxaa caawa la soo gabagabeeyey Group-ka A ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, waxaana la xaqiijiyey labada xul ee u gudbay wareegga 16-ka tartankan.

Xulka marti-gelinaya tartankan ee Masar ayaa guushoodii saddexaad oo xiriir ah caawa gaaray taasoo ka dhigay inay Group-kan A kaga soo baxeen kaalinta koowaad iyagoo leh sagaal dhibcood.

Egypt waxa ay caawa 2-0 uga adkaadeen Uganda, waxaana Masaarida labada gool u kala dhaliyey qeybtii hore ee ciyaarta 36’daqiiqo Mohamed Salah iyo 45’daqiiqo Ahmed El Mohamady, laakiin xulka Uganda inkastoo laga adkaaday caawa haddana waxa ay ku soo baxeen kaalinta labaad.

Dhinaca kale kulan kale oo isna ka tirsan Group-ka A ayaa waxaa wada dheelay xulalka Zimbabwe iyo DR Congo, waxaana 4-0 lagu xasuuqay xulka Zimbabwe.

Goolasha DR Congo waxaa kala dhaliyey 4’daqiiqo Jonathan Bolingi, 34’daqiiqo iyo 70’daqiiqo Cedric Bakambu, halka goolka kalena uu raacsaday 78’daqiiqo   Britt Assombalonga.

Si kastaba ha ahaatee, labada xul ee Zimbabwe iyo  DR Congo ayaa isaga haray Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close