DEG DEG: Adrien Rabiot oo soo gaaray Magaalada Turin si uu u dhammaystiro ku biiristiisa Kooxda Juventus… + SAWIRRO

(Turin) 30 Juunyo 2019. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa shaacisay muuqaalka iyo Sawirrada Adrien Rabiot, kaasoo ay sheegtay inuu soo gaaray Magaalada ay kooxdu ka dhisan tahay ee Turin si uu u dhammaystiro ku biiristiisa Naadiga.

Adrien Rabiot ayaa la soo sheegayaa inuu kooxda Juventus tijaabada caafimaad u mari doono berri oo Isniin ah subaxa hore, waxaana sidaas warinaysa inta badan warbaahinta dalka Talyaaniga, ka hor inta uusan qalinka ugu duugin qandaraas afar sanadood ah.

Heshiiska ayaa la isku raacay inuu dhacay isbuucaan, laakiin Bianconeri ayaa go’aansatay inay sugto illaa inta uu dhacayo heshiiskiisa uu kula jiray kooxda Paris Saint-Germain maanta.

Waxaa sidoo kale la wariyey in kooxaha Manchester United iyo Barcelona ay doonayeen saxiixiisa, laakiin waxaa lagu qanciyay inuu ku biiro Naadiga Juventus.

Waxaa la warinayaa inuu Juve u saxiixi doono berritoole heshiis afar sanadood ah oo uu sanadkii ku qaadanayo 7 milyan oo euro oo lagu daray lacagaha gunnooyinka ah, oo ay sii raacdo 10 milyan oo euro oo ah saxiixiisa beeca xorta ah.

Rabiot ayaa goordhow soo gaaray Magaalada Turin, ka hor inta uusan berrito tijaabada caafimaad Juventus ugu marin xarunta J-Centre.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close