Arsenal oo ay qasab ku tahay inay bixiso qiimo dhan 100 milyan oo ginni si ay u hesho saxiixa ciyaaryahanka….

(London) 30 Juunyo 2019. Maamulka kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal ayaa waxay xiiseenayaan inay sameeyaan saxiixa xiddiga Crystal Palace ee Wilfried Zaha inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga ee xagaaga.

Hadaba maamulka kooxda Crystal Palace ayaa waxay dul dhigeen qiimo aad u sareeya xiddiga reer England ee Wilfried Zaha, kaasoo si aad ah ay u dooneyso Arsenal, waxaana saraakiisha Crystal Palace ay ka damacsan yihiin qiimo lacageedkan ay dul dhigeen si ay jid-gooyo ugu sameeyaan naadiga reer London.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Daily Mail” ee dalka England macalinka reer Spain ee Unai Emery ayaa doonaya inuu shaqaaleysiiyo Wilfried Zaha si uu ugu buuxisto dhanka weerarka ee kooxda Arsenal.

Hadaba maamulka kooxda Crystal Palace ayaa waxay iska diideen inay ku fasaxaan xiddigoodan muhiimka ah ee Wilfried Zaha qiimo ka yar 100 milyan oo ginni, waana qiimo  aad u sareeya oo ay ku adag tahay Arsenal inay bixiso.

Dhinaca kale Crystal Palace ayaa la fahansan yahay inaysan diyaar u ahayn in xiligan ay iska iibiso Wilfried Zaha, maadaama ay Aaron Wan-Bissaka u ogolaatay in kooxda Manchester United uu ugu biiro aduun dhan 50 milyan oo ginni Sabtidii shalay.

Wilfried Zaha ayaa sheegay toddobaadyo kahor inuu doonayo ka qeyb galka Champions League, lakiin isla waqtigaas wuxuu xaqiijiyay inuu ixtiraamayo qandaraaska uu kula jiro kooxda Crystal Palace, sidaasi darteed Arsenal ma ahan meel uu ku dhiiran karo xiddiga reer England sababa la xiriira inaysan Gunners ka qeyb gali doonin tartankan xiisaha badan xilli ciyaareedka soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close