Xulalka Cameroon iyo Ghana oo barbaro ku kala baxay kulan ka tirsan Koobka Qarammada Afrika 2019… + SAWIRRO

(Qaahira) 29 Juunyo 2019. Xulalka Cameroon iyo Ghana ayaa ku kala baxay barbaro 0-0 ah, kulan ka tirsan Koobka Qarammada Afrika 2019, kaasoo si habsami leh kaga soconaya dalka Masar.

Kulankan ayaa ka tirsanaa Group F ee koobka Qaramada Qaarada Africa 2019.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 0-0 ah.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay xulalka Cameroon iyo Ghana ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado dhowr ah ay ku dhalin gaareen goolal balse ay ku fashilmeen inay sidaas sameeyaan.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 0-0 ah ay ku kala baxeen labada xul qaran Cameroon iyo Ghana, iyadoo haatan Group F uu 4 dhibcood ku hogaaminayo xulka Cameroon, halka Ghan ay kaalinta 2-aad ku fadhiyaan 2 dhibcood.

SAWIRRO:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close