Milkiilaha kooxda Liverpool oo muujiyay bar-tilmaameedkooda ugu weyn ee xilli ciyaareedka soo socda

(England) 29 Juunyo 2019. Milkiilaha kooxda Liverpool ee John W. Henry ayaa sheegay bar-tilmaameedka ugu muhiimsanaa ee Reds xilli ciyaareedka soo socda.

Kooxda Liverpool ayaa awooday inay ku guuleysato tartanka Champions League xili ciyaareedkii tagay tan iyo 2005-tii, waxayna sidoo kale ku dhawaadeen inay ku guuleystaan horyaalka Premier League oo ay ugu dambeytii kaga dhameysteen kaalinta 2-aad, kaddib markii ay ku guuleysatay kooxda Man City.

Image result for john w. henry and Klopp

Milkiilaha kooxda ku ciyaarta garoonka Anfield ayaa sheegay in horyaalka Premier League uu noqon doono bartilmaameedka ugu weyn kooxda Liverpool ee xili ciyaareedka soo socda.

“Aniga ahaan, inaad ku guuleysato yurub, waxaa in badan ka muhiimsan inaad guul ku gaarto gudaha England, waxaana runtii qabaa in taageerayaasheena ay sidaas doonayaan”.

“Waan ogahay inaan diirada saareyno inaan ku guuleysaneyno horyaalka Premier League sanadka soo aadan” ayuu yiri Milkiilaha kooxda Liverpool ee John W. Henry.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close