Inuusan wali helin qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa, kulanka ay wajahayaan Brazil, & Messi oo hadlay kaddib guushii ay ka gaareen Venezuela

(Brazil) 29 Juunyo 2019. Lionel Messi ayaa qiray inuusan soo bandhigin qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ilaa iyo haatan tartanka Copa America 2019, kaasoo si habsami leh kaga soconaya garoomada dalka Brazil.

Dhinaca kale Lionel Messi ayaa markale dhaleeceen xoogan u jeediyay garoomada marti galinaya tartanka Copa America 2019 ee dhaca dalka Brazil, wuxuuna hadalkiisan imaanayaa kaddib guushii ay xalay ka gaareen Venezuela.

Xulka Argentina ayaa guul 2-0 ka gaartay dhiggooda Venezuela, waxaana ay iska xaadiriyeen afar dhammaadka tartanka Copa America 2019.

Kabtanka xulka qaranka Argantina ee Lionel Messi ayaa ciyaarta kaddib u sheegay shabakada ESPN:

“Ma aanan siinin wax fursad ah xulka qaranka Venezuela, mana u ogolaaneyno inay soo bandhigaan qaab ciyaareed fiican, waxaan abuurnay fursado badan, waxaana labo ka mid ah fursadahaas ku dhalinay 2-da gool ee aan ku soo baxnay”.

“Garoomada martigalinaya Copa America 2019 waa kuwo aad u xun, kaamana caawineyso inaad ciyaarto”.

“Waxaan gaarnay heerkii ugu fiicnaa si aan ula ciyaarno Brazil, waa inaan si buuxda diirada u saarnaa, kulanka wuxuu noqon doonaa mid aad u adag, Brazil waxay ka faa’ideysan doontaa ciideeda iyo taageerayaasheeda”.

Si kastaba ha ahaatee, xulalka Brazil iyo Argentina ayaa waxay SuperClásico ku wada ciyaari doonaan wareega afar dhamaadka ee tartanka Copa America 2019, Talaadada soo aadan taariikhdana ay ku beegan tahay 3-da July, garoonka Belo Horizonte.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close