Ed Woodward oo ka hadlay aragtidiisa kaga aadan imaatinka Aaron Wan-Bissaka ee kooxda Manchester United

(Manchester) 29 Juunyo 2019. Gudoomiyaha fulinta kooxda Manchester United ee Ed Woodward ayaa fariin u diray wargeyska “The Daily Telegraph” ee dalka England kahor inta aan lagu dhawaaqin heshiiska Aaron Wan-Bissaka.

Ed Woodward ayaa la kulmay dhaleeceeno waqtiyadii ugu dambeysay, sababa la xiriira in Manchester United ay guuldareysatay sanado badan tan iyo markii uu shaqada tababarka ka tagay Sir Alex Ferguson sanadkii 2013.

Gudoomiyaha fulinta kooxda Manchester United ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay:

“Inkasta oo ay ku xiran tahay qaabka suuqa kala iibsiga, oo ay ku jirto sicir bararka iyo hadalo joogto ah, qaar ka mid ah gudiga shaqaaleysiinta waxay iskaashi ula sameenayaan tababaraha si aamusnaan leh, si loo keeno ciyaartoy kale oo xiiso leh kuwaas oo la jaanqaadi kara aragtida mustaqbalka fog”.

“Kaddib imaanshiyaha Daniel James oo ka yimid kooxda Swansea City horaantii bishaan, waan ku faraxsanahay inaan xaqiijiyo inaan la soo saxiixano da’yarka Aaron Wan-Bissaka oo ka tirsanaa Crystal Palace”.

“Aaron Wan-Bissaka wuxuu ku haboon yahay siyaasadda asaasiga ah ee shaqooyinka, iyo qorshaha ah inaan dhisno qoox dhalinyaro ah, waxaana ay noqon doontaa mid xiiso u leh taageerayaasha xilli ciyaareedka soo aadan”.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa xiddigan kaga soo qaadatay kooxda Crystal Palace qiimo dhan 50 milyan oo ginni, waxaana uu noqonayaa daafaca garabka midig ee ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta adduunka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close